Xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Karanja Kibicho oo xalay wareysi gaar ah siiyay telefishinka maxalliga ee Citizen ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay dhaliil uu madaxweyne ku xigeenka wadanka William Ruto u jeediyay saraakiisha amniga ee dowladda sare.
Ruto oo sidoo kale ah musharraxa madaxweyne ee xisbiga UDA ayaa shalay sheegay inay jiraan qaar ka mid ah saraakiisha maamulka oo ku howlan qorsho lagu faragelinaya doorashada guud ee 9-ka bishan Siddeedaad wadanka ka dhacaysa.
Waxaa uu Ruto qaar ka mid ah mas’uuliyiinta ammaanka ee gobolka Rift Valley ku eedeyay inay ka dambeeyeen warqado xambaarsan farriimo naceyb ah oo la sheegay in dhawaan lagu dhex daadiyay ismaamulka Uasin Gishu.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa ku andacoonaya in arrintan looga gol-lahaa in khakhal la geliyo codbixiyeyaasha si aynan ugu soo bixin doorashada guud oo uunan codad badan uga soo hoyin deegaannada uu siyaasad ahaan awoodda ku leeyahay.
Hasa ahaate xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Karanja Kibicho ayaa eedeymahan gaashaanka u daruuray.
Waxaa uu madaxa UDA ku eedeyay inuunan daacad ka ahayn hadallada uu ka jeediyo goobaha fagaaraha ah iyo shirarka jaraaid.
Kibicho ayaa ku celceliyay in maamulka madaxweyne Uhuru Kenyatta uu dadaal iyo miisaaniyad badan ku bixiyay sugidda amniga dalka sidaasi awgeedna aynan jirin sabab saraakiisha ammaanka ay qayb uga noqdaan qorsho dhibaatooyin horseedi karo.
Ka dib markii madaxweyne ku xigeenka dalka uu ku andacooday in dhawaan ismaamulka Nakuru lagu qabtay shir ku aaddanaa saameynta doorashada ayuu Karanja Kibicho sheegay inuunan ka war qabin kulan halkaasi ka dhacay.
Waxaa uu intaasi sii raaciyay in muddo labo sano ah uunan tagin dowlad deegaanka Nakuru.
Karanja Kibicho ayaa sidoo kale wareysiga ku sheegay in William Ruto uu xubin ka yahay golaha amniga qaran oo uunan xita hal mar soo bandhigin cabasho ku aaddan arrimaha uu tabanaya.
Sidoo kale waxaa uu xusay in uunan la soo xiriirin qudhiisa ama wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i .
Home Wararka Kenya Xoghayaha arrimaha gudaha oo beeniyay dhaliil uu William Ruto u jeediyay dowladda...