ODM oo bayaan ka soo saartay doorashooyinkii ku celiska ee shalay

0
689

Xisbiga ODM ayaa sheegay in la soo gabagabeeyay doorashooyinkii ku celiska ahaa ee shalay lagu qabtay qaar ka mid ah deegaan baarlamaneedyada iyo deegaannada hoose ee dalka.
ODM ayaa u hambalyeysay Malach Matara Mainya oo loo doortay wakiilka cusub ee deegaanka hoose ee Kiamokama oo ka tirsan ismaamulka Kisii ka dib markii uu loolanka kaga adkaaday musharraxiintii matalayay xisbiyada kale.
Sidoo kale xisbiga uu hoggaamiyo ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga ayaa u hambalyeeyay musharraxii ku matalayay deegaanka Matungu ee ismaamulka Kakamega David Were oo nambarka labaad soo galay.
Qoraalka ODM waxaa qayb ka ah in la rajeynayay in Were uu helo codad dheeraad ah hasa ahaate ay ku ammaanayaan dadaalka uu sameeyay.
Xisbiga ayaa xusay inuu aqoonsaday dadaalka Mr. Andrew Sure oo noqday musharraxa nambarka saddexaad ee codeyntii lagu qabtay deegaanka hoose ee Huruma ee ismaamulka Uasin Gishu.
ODM ayaa si guud ugu hambalyeysay dhammaan siyaasiyiintii ku soo baxay doorashooyinkii shalay dhacay.
Xisbiga ayaa dhanka kale wax laga xumaado ku tilmaamay rabshado shalay hareeyay codeynta.
ODM ayaa sheegtay in aan loo baahneyn keliya in falalkan la cambaareeyo balse dowladda , guddiga doorashooyinka ee IEBC iyo xisbiyada siyaasadeed laga doonayo in ay ka fikiraan oo laga hor tago in aynan mustaqbalka dhicin.
Agaasimaha fulinta ee xisbiga ODM Oduor Ong’wen ayaa bayaanka uu soo saaray ku gaba gabeeyay in aynan jirin fursad u banaan qof kasta oo rabshad adeegsado marka loo barbardhigo hannaan siyaasadeed oo ku saleysan dimuqraadiyad.