Culimada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa kulan ay isugu yimaadeen oo uu goobjoog ka ahaa madaxweyne Mustafe Cagjar, ayay ku cambaareeyeen duullaankii ururka Al-Shabaab uu ku soo qaaday gobolka Afdheer.
Culimada ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay, inay taageersan yihiin una hambalyaynayaan guushii ciidamada Liyuu Booliisku ka gaareen howlgalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab.
Waxaa kale oo ay culimadu ku baaqeen in Al-Shabaab lala dagaalamo oo laga suuliyo deegaanka, waxayna ku tilmaameen munkarkii ugu waynaa ee dhaca, sida ay sheegeen.
Culimada dowlad deegaanku ayaa bulshada ugu baaqeen in ay ka digtoonaadaan waxay ugu yeereen, falalka guracan iyo fikirradda khaldan ee ay xambaarsan tahay Al-Shabaab.
Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumad Cagjar ayaa uga mahadceliyay culimada sida ay u caddeeyeen mowqifkooda ku aadan dagaalka Alshabaab.
Mustafe Cagjar ayaa caddeeyay inay 100% ku guulaysteen inay ka hortaggaan damacii Al-Shabaab.
Waxaa uu qiray taageerada bulshadu inay qayb wayn ka ahayd in laga guulaysto Al-Shabaab, islamarkaana muddo kooban lagu soo afjaro duullaankii ay soo qaadeen.
“Waxaan bogaadinayaa kaalinta ay culimadu ka qaadatay ka falcelintii weerarkii gardarada ahaa, ee nimankaas argigixisada ah ee Al-Shabaab ku soo qaadeen deegaanka, Runtii culimadu waxay ka mid yihiin shacabka deegaanka ee muujiyay dareenkooda ay ku diidan yihiin fikirkaas oo hadhow keeni kara in lagu xallaalaysto dhiiggooda, sida walaalaheenna Soomaaliya ay ugu dulloobeen,”ayuu yiri madaxweyne Mustafe Cagjar.
Mustafe Cagjar ayaa sheegay amni ahaan inay xoojinayaan xaduudaha deegaankiisa, si looga hortaggo in Al-Shabaab markale ay soo qaadaan weerar midkii hore la mid ah.
Home Wararka Soomaaliya Culimada deegaanka Soomaalida: Al-Shabaab waa munkarkii ugu waynaa, waa in lala dagaalamo...