DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo ka hadlay sababta uu u diiddan yahay in Ruto uu hoggaanka qabto

0
487

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa markii ugu horreysay si cad uga hadlay sababta uu uga soo horjeedo in ku xigeenkiisa William Ruto uu qabto talada wadanka.
Xilli uu isku duwayaasha gobollada kula kulmay madaxtooyada yar ee magaalada Kisii ayaa hoosta ka xarriiqay in isaga iyo Ruto ay isku maandhaafeen ku lug lahaanshaha falalka musuqmaasuqa.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ka dib markii ay u soo baxday in Ruto uunan garab buuxa ku siinayn hirgelinta barnaamijyada horumarineed iyo wax u qabashada kenyaanka uu go’aansaday inuu mowqifkiisa beddelo.

Sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday eedeynta uga timid madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ee ahayd in heshiiskii sanadkii 2018-kii ay wada galeen Uhuru iyo hoggaamiyaha ODM Raila Odinga uu hakad geliyay waxqabadka maamulka Jubilee.

Hoggaamiyaha dalka ayaa dhanka kale difaacay go’aankii uu qaar ka mid ah waajibaadka shaqo ugu wareejiyay wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i.

Waxaa uu ugu dambeyn shacabka ku nool ismaamulka Kisii ka codsaday inay 9-ka bishan Siddeedaad codkooda ku taageeraan musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya, Raila Odinga.