DHAGEYSO:ANC oo ay guul uga soo hooyatay Kakamega

0
651

Xisbiga ANC ayay guul uga soo hooyatay deegaan baarlamaneedka Matungu ee ismaamulka Kakamega ka dib markii Peter Nabulindo oo loolanka ku matalayay uu ku soo baxay doorashadii ku celiska ahayd ee shalay.
Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC ayaa sheeciyay in musharraxan uu helay codad dhan 14,260.
Waxaa uu tartanka kaga adkaaday xildhibaan hore oo ka tirsan ODM oo lagu magacaabo David Were oo helay 10,565 oo codad ah halka Alex Lanya oo ka socday xisbiga UDA uu soo hooyay 5,513 .
Guusha ANC uga soo hooyatay deegaanka Matungu ee Kakamega ayaa lagu tilmaamay mid sii xoojinaysa awoodda iyo saameynta siyaasadeed ee madaxa xisbigan Musalia Mudavadi ka hor doorashada guud ee sanadka 2022-ka.
Dhanka kale Virginia Wamaitha oo matalaysay xisbiga Jubilee ayaa loo doortay wakiilka cusub ee deegaanka hoose ee Hell’s Gate ee ismaamulka Nakuru .
Waxay u mahadcelisay shacabka u codeeyay iyada oo ballan qaaday in ay si hufan ugu adeegi doonto.