Sakaja oo hoggaaminaya musharraxiinta kale ee Nairobi

0
456

Shirkadda darasaadka ee TIFA ayaa ra’yi uruurin cusub oo ay sameysay ku ogaatay in senatarka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja uu ka caansan yahay musharraxiinta kale ee u tartamaya xilka guddoomiyaha caasimadda dalka ee Nairobi.
Waxaa ay TIFA sheegtay in Sakaja uu shacabka ka haysto taageero dhan boqolkiiba 53.
Waxaa soo raaca musharraxa isbeheysiga Azimio la Umoja-One Kenya Polycarp Igathe oo haysta taageero ah boqolkiiba 36.
Hasa ahaate boqolkiiba 10 ee dadka la wareystay ayaa ka gaabsaday midka ay codkooda siin doonaan labada musharrax.