Taliban oo cambaareysay dilkii hoggaamiyaha Al-Qaacida

0
352

Kooxda Taalibaan ee dalka Afghanistan ayaa cambaareysay duqeyn uu Maraykanku sheegay inuu ku dilay hoggaamiyihii kooxda Al-Qaacida Ayman al-Zawahiri .
Taalibaan ayaa maanta oo Talaado ah bayaan ku sheegtay in tallaabadaasi ay xadgudub cad ku tahay mabaadi’ida caalamiga iyo heshiiskii Doha.
Heshiiskaasi oo ay sanadkii 2020, wada saxiixdeen Maraykanka iyo Taalibaan ayaa horseeday in ciidamada caalamiga laga saaro gudaha Afghanistan.
Afhayeenka Taalibaan Zabihullah Mujahid ayaa sheegay in weerarka lagu dilay Ayman Al-Zawaahiri laga gaystay guri la deggan yahay oo ku yaalla aagga Sherpur ee magaalada Kabul halkaasi oo ay ku nool yihiin qaar ka mid ah madaxda kooxdan.
Mujahid ayaa xusay in tallaabada uu Maraykanku qaaday ay qayb ka tahay dhacdooyinkii soo noqnoqday ee 20-kii sano ee la soo dhaafay oo aynan dani ugu jirin Maraykanka, Afghanistan iyo gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here