Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Baxrayn oo Qatar u oggolaatay inay hawadeeda isticmaasho

Baxrayn oo Qatar u oggolaatay inay hawadeeda isticmaasho

Dowladda Baxrayn ayaa lagu soo warramayaa inay hawadeeda u furtay diyaaradaha Qatar ka dib markii laga heshiiyay xiisad dibloomaasiyeed oo ka dhexeysay saddex sano.
Waxaa arrinkan maanta oo Isniin ah sheegtay waaxda duulimaadyada rayidka ee Baxrayn.
Tani ayaa timid hal maalin un ka dib markii boqortooyada Sacuudi Carabiya ay xuduudeeda u furtay xukuumadda Dhooxa.
Bishii lixaad ee sanadkii 2017-kii ayay ahayd markii dowladaha Masar, Baxrayn, isku tagga imaaraadka carabta iyo Sacuudi Carabiya ay xiriirkii dibloomaasiyeed u jareen Qatar oo ay xilligaas ku eedeyeen inay argagixisada taageerto in kastoo ay iska fogeysay.
Waxaa tallaabadaas xigay inay dhammaantood dowladda Qatar ka xirteen xuduudaha dhanka hawada , badda iyo dhulka hasa ahaate toddobaadkii hore ayay dhinacyadan heshiiyeen.
Sidoo kale waxaa maanta dib u furmaya duulimaadyada u kala gooshaya Sacuudiga iyo Qatar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments