Wasiirka waxbarashada ee dalka oo shaaciyay in dugsiyada la xiri doono berri

0
558

Wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa soo saaray amar ah in dugisyada wadanka la xiro berri oo ay taarikhdu ku beegan tahay 2-ad bisha Siddeedaad ee August, madaama wadanka doorasho guud ay ka dhacaysa hal toddobaad ka dib.
Ardayda ayaa galaya fasaxa dhexe ee gaabaan ee sanad dugsiyeedka labaad ee waxbarashada, iyagoo guryaha ku sugnaan doona ilaa 10-ka bishan.
War-saxaafadeed uu soo saaray maanta ayuu wasiirka sheegay in go’aankan la qaatay ka dib wadatashiyo la sameeyay si loogu diyaargaroobo doorasho guud ee dalka ka dhaceysa 9-ka August.
Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in goobaha tacliinta dib loo furi doono 11-ka bishan, xilligaasi oo ay ardayda ka soo laabanayaan fasax gaabaan.
Sidoo kale waxaa uu hoosta ka xarriiqay in haddii ay dhacdo in doorashada lagu celiyo in la sameyn doono wada tashi ku saabsan in ardayda ay sameyn doonaan imtixaannada iyo in kale.
Shalay ayay ahayd markii uu wasiirka sheegay in dugsiyada dalka la xiri doono 6-da bishan.