Laamaha Amniga degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa ka dib howlgal ay sameeyeen waxaa u suurto gashay inay gacanta ku dhigaan Nin dhawaan toorey ku dilay Haweeney mid kalena ku dhaawacay.
Dhacadadan ayaa Maalintii Talaadada ee toddobaadkan ka dhacday agagaarka Iskuul Godeey ee degmada Kaaraan, waxaana dilka Haweeneyda oo lagu Magacaabi jiray Ruqiyo Sheekh AxmAd iyo Dhaawaca Sacdiyo oo Ilmo Habreed ahaayeen uu yimid ka dib markii Ninka dilka gaystay ay ku murmeen carro uu ka qaadayay goob Biyo mareen ah ama Bulaacad ah.
Taliyaha qaybta Bari ee Booliska Gobolka Banaadir Cali Calasow Goofjooge ayaa sheegay in Ninkan ku eedeysan dilka iyo dhaawaca laba Gabdhood oo Walaalo ah ay u gudbinayaan Hay’adaha cadaaladda si sharciga loo marsiiyo.
Waxaa uu sheegay in Ciidamada Booliska ay markasta diyaar u yihiin inay cadaaladda horkeenaan cidkasta oo dhibaato gaysata, islamarkaana aysan uga hari doonin.
Dhanka kale kale qoyska gabadha laga dilay ayaa doonaya in ninka dilka gaystay loo qisaaso, islamarkaana ay codsanayaan in gabadhooda iyo wiilka dilka gaystay halmar lawada Aaso.
Cabdiraxmaan Sheekh Axmad oo la dhashay Ruqiyo Sheekh Axmad ee tooreyda lagu dilay ayaa sheegay in uu aad uga naxay dilka walaashiis, isaga oo u mahadceliyay Ciidamada Booliska Soomaaliya ee soo qabtay Ninkii dilay walaashiis, sidoo kale dhaawacay Gabadha kale ee Habaryartiis ay dhashay.
Sidoo kale guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Maxamad ayaa bulshada iyo laamaha ammaanka ugu baaqay inay wada shaqeeyaan.
Magaalada Muqdisho ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ku soo batay dilalka loo gaysanayo dadka Shacabka ah ee loo adeegsanayo tooreyda ama midida, waxaana inta badan adeegsada Kooxaha Burcadda ah.