Taliyaha booliska iyo guddoomiyaha IEBC oo sheegay in laga heshiiyay arrin muran dhalisay

0
431

Taliyaha guud ee ciidamada booliska dalka Mr. Hillary Mutyambai ayaa sheegay in xal laga gaaray arrin maalmo ka hor saameysay guddiga doorashooyinka dalka ee IEBC taasoo muran abuurtay.
Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka , Wafula Chebukati iyo agaasimaha waaxda dambi baarista, George Kinoti ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay saddex qof oo u dhashay garoonka diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi.
Chebukati ayaa bayaan ku sheegay in shakhsiyaadkaasi ay ka tirsan yihiin shirkadda caalamiga ee Smartmatic oo uu guddigu qandaraas siiyay sidaas awgeedna ay dalka keeneen warqadaha dhajiska .
Guddoomiyaha IEBC ayaa dalbaday in xabsiga laga siidaayo saddexda qof oo waaxda dambi baarista wadanka ay dhankeeda tuhuntay.
Hasa ahaate taliyaha guud ee booliska wadanka Mr. Hillary Mutyambai iyo guddoomiyaha IEBC , Wafula Chebukati oo si wadajir ah u qabtay shir jaraa’id ayaa kenyaanka u xaqiijiyay in laga heshiiyay arrintii la isku hayay.
Sidoo kale waxay labaduba sheegeen inay si dhow uga wada shaqeyn doonaan doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan si ay ugu dhacdo jawi nabad ah.