Baarlamaanka dalka Sri Lanka ayaa kordhiyay muddada ay sii shaqeynaysa xaaladda degdegga ah ee dalkaasi ka jirta taasoo uu ku dhawaaqay madaxweyne Ranil Wickremesinghe.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ciidamada dowladda Sri Lanka ay la tacaalayaan dibadbaxayaal lagu eedeyay inay rabshado gaysanayaan.
Kordhinta muddada xaaladda degdegga ayaa waxaa codkooda ku taageeray 120 ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Sri Lanka oo ka kooban 225 xubnood halka 63 ay ka soo horjeesteen qaar kalena ay codeynta ka aamuseen.
Tallaabadan ayaa ciidamada amniga awood u siinaysa inay xiraan oo ay muddo dheer xabsiyada ku hayaan dibadbaxayaasha.
Xaaladda degdegga ee Sri Lanka ayaa shalay ku ekaan lahayd haddii uunan baarlamaanku ansaxin in muddadaasi la sii kordhiyo.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii madaxweyne Ranil Wickremesinghe uu amarkan ku dhawaaqay ka hor inta xeer dejiyaasha aynan u dooran dhameystirka muddo xileedkii madaxweynihii is casilay ee dalkaasi Gotabaya Rajapaksa