Madaxweynaha dalka Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay inay ciidamada qalabka sida ee dowladda Ruushka ka dileen ku dhawaad 40, 000 oo sarkaal.
Arrintan ayuu shaaca ka qaaday xilli uu xalay khudbad jeediyay.
Khasaarahan nafeed ayuu hoggaamiyaha Ukraine xusay inuu xukuumadda Moscow soo gaaray tan iyo 24-kii bishii labaad ee sanadkan oo ay duullaan militari ku qaadeen dalkaasi.
Volodymyr Zelensky ayaa intaasi ku daray in Ruushka laga dhaawacay kumannaan ciidamo oo dheeraad ah.