Maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee The Supreme Court ayaa maanta billaabaysa inay dhageysato dacwad uu gudbiyay barasaabkii hore ee Nairobi Mike Sonko.
Waxaa uu Sonko doonaya in dib u eegis lagu sameeyo go’aan ay horay maxkamaddu ugu ayiday xilka qaadistiisi bishii Diseembar ee sanadkii 2020-kii.
Tani ayaa timid ka dib markii wakiillada golaha hoose ee Nairobi, aqalka sare iyo guddiga doorashooyinka ee IEBC ay codsadeen in muddo dheeraad ah la siiyo si ay u gudbiyaan jawaabadooda ku saabsan kiiskan.
Ku xigeenka madaxa diiwaangelinta Bernard Kasavuli ayaa aqbalay codsiyada dhinacyadan.
Mike Sonko oo ay matalayaan qareenadiisa uu hor kacaya John Khaminwa ayaa isna looga fadhiyaa inuu dokumeentiyadiisa maxkamadda u gudbiyo ugu dambeyn galabta.