DHAGEYSO:Matiang’i:Lamaha ammaanka wey u diyaar garoobeen sidii ay u sugi lahayeen amniga doorashada

0
477

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr .Fred Matiang’i ayaa sheegay in laamaha ammaanka ay u diyaar garoobeen sidii ay u sugi lahayeen amniga , iyadoo dalka uu galayo doorasho guud bisha soo socota.
Waxaa uu siyaasiyiinta ugu baaqay inay nabadda ku dadalaan ololahoodana si nabad ah u sameystaan.
Dr .Matiang’i ayaa intaasi ku daray in la adkeeyay ammaanka xuddudaha dalka.
Hadalkan ayuu jeediyay wasiirku xilii uu kulan amni ah ku qabanayay ismaamulka Nyamira.