Ruushka oo xoojiyay weerarrada Ukraine

0
369

Ciidamada dowladda Ruushka ayaa sare u sii qaaday weerarrada ay ka gaysanayaan gudaha dalka Ukraine oo ay duullaan militari ka wadaan tan iyo 24-kii bishii labaad ee sanadkan.
Xukuumadda Moscow ayaa duqeymo dhinaca cirka ah ka fulisay gobolka Donetsk.
Saraakiil u warramay warbaahinta ayaa sheegay in howlgallada lagu bartilmaameedsaday magaalooyinka Bakhmut, Kramatorsk, Chasiv Yar, Sloviansk , Kostyantynivka iyo tuulooyinka ku hareeraysan.
Dhanka kale kooxaha samatabixinta ayaa weli saddex qof ka raadinaya burburka xarun farshaxan iyo damashaad oo ku taalla magaalada Chuhuiv oo ay ciidamada Ruushka la dhaceen ugu yaraan 10 gantaal.