Maxkamad ku xukuntay nin 100 sano oo xabsi ah ka dib markii uu faraxumeyay 5 carrur

0
630

David Karega ayaa waxay maxkamada ku xukuntay 100 sana oo xabsi ah ka dib markii uu Ismaamulka Nakuru ku faraxumeeyay shan carrur.
Carrurtan ayaa da’adooda u dhaxeysa 4 ila 7 sano, wuxuna falkan ku sameeyay xaafada Rigogo ee deeganka Rongai.
Maxakamada Molo ayaa loo sheegay in uu ninkan carrurtan mid mid u faraxumeeyay , dhamaantoodna siiyay min 10 shilin. Wuxuna ooga digay inay sheegaan falka uu ku sameeyay.
Dacwad soo ooge Moses Macharia ayaa keenay 11 marqaati ah oo dhamantood cadeeyay in Karega faraxumeeyay shanta gabdhood.
Garsooraha maxkamada Yator ayaa xukumay in eedeysanaha yahay dambiile, kuna xukumay 100 sana oo xarig ah. Dacwadan ayaa socotay ila September sanadkii 2019-ka.
Durbadiiba waxa si dhakhso ah loo waday dhanka baabur taagna si loo geeyo xabsiga uu ku qaadanayo 100-ka sano.
Xeerka dambiga galamada ee dalka ayaa dhigaya in hadii qof uu kufsado ilma 11-sano jiro ama yar lagu dharbaaxayo xabsi daa’in hadii dambiga lagu cadeeyo.