Guddoomiyaha gobolka California ee Maraykanka Gavin Newsom ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo ka dhaqangalaysa dowlad deegaanka Mariposa.
Tani ayaa loo aaneeyay saameynta dab xooggan oo soo billowday Jimcihii oo halkaasi ku sii fidaya.
In ka badan 6,000 oo qof oo ku nool bannaanka seeraha qaran ee Yosemite National Park ee gobolka California ayaa lagu amray inay halkaasi isaga guuraan.
Dhibaatada jirta ayaa salka ku haysa abaarta iyo heer kul sare.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dabka uu ku faafay dhul dhan ilaa 11,900 oo eekar.
In ka badan 400 oo ah saraakiisha dab damiska oo adeegsanaya diyaarado iyo cagaf-cagaf ayaa qayb ka ah xakameynta dabka.
Shalay subax ayay ahayd markii la soo tabiyay in dabka uu burburiyay ilaa 10 ka mid ah guriyaha la deggan yahay halka laga cabsi qabo inuu saameeyo 2,000 oo ah dhismooyin dheeraad ah.