Waxaa sare u sii kacday tirada dadka ku dhaawacmay weerar ciidamada Ruushka ay ka gaysteen gobolka Kirovohrad ee dalka Ukraine.
Guddoomiyaha gobolkaasi Andrii Raikovych ayaa barta Facebook-ga ku sheegay in ilaa iyo hadda ay dhaawacmeen 19 ruux.
Hasa ahaate waxaa uu hoosta ka xarriiqay in xaaladda caafimaad ee dhaawaca aynan liidan maadaama ay helayaan daryeel caafimaad.
Raikovych ayaa intaasi ku daray in Ruushku uu bartilmaameedsaday mid ka mid ah kaabayaasha tareennada iyo xarun militari ee gobolkaasi ku yaalla.
Sida laga soo xigtay ciidamada dowladda Ukraine , waxaa duqeyntaasi lagu dilay ugu yaraan 3 qof.