Xilliga ay dhacayso doorashada guud ee Talyaaniga oo la shaaciyay

0
386

Waxaa uu qorshuhu yahay in doorashada guud ee dalka Talyaaniga la qabto 25-ka bisha Sagalaad ee sanadkan.
Tani ayaa timid ka dib markii uu shalay iscasilay ra’iisul wasaaraha wadankaasi Mario Draghi.
Go’aanka mas’uulkan ayaa yimid ka dib markii ay kala qaybsan tahay dowladdi isbeheysiga ee ay xisbiyo badan ku mideysnaayeen.
Hasa ahaate madaxweynaha Talyaaniga Sergio Mattarella ayaa Mario Draghi iyo xukuumadiisa ku amray inay si ku meel gaar ah u sii shaqeeyaan.