Ruushka oo soo riday diyaarad laga leeyahay Ukraine

0
254

Wasaaradda difaaca ee dalka Ruushka ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay soo rideen diyaarad ay leedahay Ukraine.
Diyaaradda oo ah mid militari ayaa nooceeda lagu sheegay SU-25
Bayaanka wasaaradda waxaa ku cad in tallaabadan ay qaadeen xilli ay diyaaraddu maraysay meel u dhow magaalada Kramatorsk ee bariga wadankaasi.
Hasa ahaate warbaahinada caalamiga ee Reuters iyo Aljazeera oo sidatan ku warramay ayaa sheegay inaysan si madax bannaan u xaqiijin karin soo rididda diyaaradda maadaama xukuumadda Kyiv aan laga hayn warcelin degdeg ah.