Madaxweynaha cusub ee Sri Lanka oo maanta la dhaariyay

0
466

Waxaa maanta xilka madaxweynaha cusub ee dalka Sri Lanka loo dhaariyay Ranil Wickremesinghe.
Shalay ayay ahayd markii siyaasigan oo ilaa 6 mar soo noqday ra’iisul wasaaraha wadankaasi ay xildhibaannada baarlamaanka Sri Lanka si aqlabiyad leh ugu codeeyeen inuu buuxiyo jagadii uu iska casilay Gotabaya Rajapaksa.
Ranil Wickremesinghe ayaa helay codadka 134 ka mid ah 225 xildhibaan oo xubin ka ah golaha xeer dejinta ee wadanka Sri Lanka.
Mas’uulkan oo 73 sano jir ah ayaa la filaya inuu soo dhiso gole wasiirro oo ka kooban 30 xubnood .
Waxaa uu horay u ballanqaaday in golihiisa wasiirrada ay ka dhex muuqan doonaan xisbiyada siyaasadeed marka la eego dhanka matalaadda.
Waxaa madaxweynaha cusub hor yaalla shaqooyin waawayn oo ay ka mid tahay inuu wax ka qabto dhaqaale xumida Sri Lanka ka jirta oo lagu tilmaamay midii ugu darnayd tan iyo sanadkii 1948-dii.
Waxaa la saadaalinaya in wasiirkii hore ee maamulka dadweynaha Dinesh Gunawardena oo ay isku fasal ahaayeen Wickremesinghe loo magacaabo xilka ra’iisul wasaaraha Sri Lanka.