Kooxaha u ololeeya dimuqraadiyadda ee Myanmar oo sheegay in ay dibadbaxyo dheeraad ah dhigayaan

0
482

Shakhsiyaadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha dimuqraadiyadda iyo maamul wanaagga ee dalka Myanmar ayaa wacad ku maray in ay sii wadi doonaan mudaharaadyada ay dhigayaan.
Tani ayaa timid ka dib markii qaramada midoobay ay sheegtay in hal bil gudaheed rabshado ka dhacay wadankaas ay ku dhinteen 38 qof.
Booliska iyo ciidamada kale ee amniga ayaa lagu eedeyay in ay rasaas ku fureen dibadbaxayaasha dalbanaya in militariga uu talada dib ugu celiyo maamulkii rayidka ee uu ka afgembiyay koowdii bishii hore.