Saameynta dagaalka Suuriya uu 10 sano ka dib ku yeeshay waaxda caafimaadka

0
970

Iyada oo ay ka soo wareegatay 10 sano tan iyo markii dalka Suuriya ka bilowdeen dagaladii sokeeye, ayaa waxaa warbxin cusub lagu sheegay sida baaxadda leh ee uu dagaalka u saameyay goobaha caafimaadka, hawlwadeenada iyo dadka rayidka ah.
Warbixinta oo uu soo saaray Guddiga Badbaadinta Caalamiga ah ee (IRC) ayaa lagu xusay sida dagaallada ay goobaha caafimaadka ugu beddeleen xarumo aad khatar u ah.
Dagaalka, oo hadda si weyn loogu arko inuu yahay mid ay faraha kula jiraan quwado badan, ayaa soo bilowday sannadkii 2011-kii xiligaas oo gobolka oo dhan ka socdeen kacdoonno ka dhan ah dowladaha Carabta.
Iyada oo laga fal celinayo kacdoonka, ayaa dawladda waxaa ay uga jawaabtay hawlagalo arxan darro ah oo sababay in malaayin qof ay ka cararaan dalka Suuriya halka boqolaal kun oo kale ay ku naf waayeen.
Waxaa guud ahaan Suuriya la bartilmaameedsanayay oo la burburiyay goobaha caafimaadka intii ay socdeen dagaalka u dhaxeeya dawladda oo taageero ka helaysay Ruushka iyo Iiraan iyo jabhado hubaysan.
Ku dhawaad 60 boqolkiiba dadka rayidka ah ee lagu wareystay warbixinta waxaa si toos ah u saameeyay weerar lagu qaaday xarun caafimaad, adeega caafimaadka ama shaqaalaha 10-kii sano ee la soo dhaafay.
Bartilmaameedkan ka dhanka ah hawl wadeenada caafimaadka ayaa sababtay in ku dhawaad boqolkiiba 70 dhakhaatiirta ay isaga cararaan wadankaasi.
Warbixinta ayaa waxaa ku cad in halkii dhakhtar ay ku soo hagaagayaan 10,000 oo qof si uu ugu adeego.