In ka badan 9 qof oo lagu dilay toogashooyin ka dhacay Koonfur Afrika

0
522

Ciidamada booliska ee dalka Koonfur Afrika ayaa raadinaya eedeysanayaal lala xiriirinayo dhacdooyin toogasho ah oo halkaasi ka dhacay.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay in falalkaasi lagu dilay ugu yaraan 9 qof.
Laamaha ammaanka ayaa laga soo xigtay in toogashooyinka ay xalay ka dhaceen labo gobol.
Elias Mawela oo ka mid ah mas’uuliyiinta ammaanka ayaa sheegay in toogasho lala eegtay dad turub ku cayaarayay xaafadda aan sida rasmiga loo deegamayn ee Thembelihle ee koonfurta magaalada Johannesburg.