QM: In ka badan 234 qof ayaa ku waxyeeloobay rabshadaha Haiti

0
403

Qaramada midoobay ayaa sheegtay in intii u dhexeysay 8-dii ilaa 12-kii bishan Toddobaad rabshado ka dhacay dalka Haiti ay waxyeello ay dhimasho ka mid tahay ka soo gaartay ugu yaraan 234 qof.
Warbixinta waxaa ku cad in dagaalladu ay dhex mareen labo dhinac oo burcad ah oo iska soo horjeeda halka ciidamada booliska oo ay tiradoodu yar tahay aynan wax wayn ka qaban dejinta xiisadda.
Jimciyadda Qurumaha ka dhexeysa ayaa hoosta ka xarriiqday in dadka deegaanka ay rabshadaha jiray awgood ku xannibmeen guriyahooda oo aynan xita bannaanka u raadsan cunto iyo biyo.
In ka badan oo ka mid ah shacabka waxaa saameysay rasaas wiifta ah halka gaadiidka gurmadka aynan u suurtagelin inuu gaaro dhibbanayaasha.
Isku xirka ilaalinta xuquuqul aadanaha ee dalkaasi Haiti ayaa horay u sheegay in rabshadaha lagu dilay 89 qof halka 74 la dhaawacay iyadoo 16 kale aan meelna lagu sheegi Karin.
Xafiiska xuquuqul aadanaha ee qaramada midoobay ayaa laga soo xigtay in muddo 6 bilood ah laga soo billaabo Jannaayo ilaa bishii Lixaad ee sanadkan , gudaha Haiti lagu dilay 934 ruux iyadoo 684 kalena ay dhaawacmeen.
Isla mudaddan waxaa la gaystay afduubyo gaaraya 680.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here