Dowladda India ayaa sheegtay inay xaqiijisay xaaladii ugu horreysay ee furuq-daanyeerka monkeypox.
Tani ayaa timid ka dib markii nin ay da’diisu tahay 35 sano oo u safray bariga dhexe lagu arkay astaamaha cudurkan .
Kiiskan ayaa laga soo tabiyay gobolka Koonfureed ee Kerala.
Wararka ayaa tilmaamaya in shakhsiga xanuunkan laga helay uu Talaadadii ka soo safray dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.
Wasiirka caafimaadka ee gobolkaasi Veena George ayaa warbaahinta u sheegtay in bukaanka meel gaar ah lagu karantiilay oo ay hadda xaaladdiisu deggan tahay.
Waxay intaasi ku dartay in maamullada dhammaan degmooyinka Kerala ay ku wargeliyaan inay heegan ahaadaan.
Monkeypox ayaa ah cudur baniaadanka uga soo gudbo xayawaanka waxaana kiisas ku saabsan la xaqiijiyay horraantii bishi May ee sanadkan .