Madaxweynah Maraykanka oo ku baaqay in ahmiyadda kowaad ee tallaalka Covid-19 la siiyo macallimiinta

0
677

Madaxweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa ugu yeeray gobolada dalkaasi inay ahmiyadda koowaad ee talaalka Covid-19 la siiyo macallimiinta si loo hubiyo in carruurta ay si deg deg ah dugsiyada ugu laabtaan iyaga oo badqaba.
Waxaa u sheegay in aqoonyahan kasta uu helaayo ugu yaraan hal talaal dhamaadka bishaan.
Mr Biden ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in shirkadaha cilmi barista Merck, Co iyo Johnson & Johnson ay gacan ka geysan doonaan soo saarista tallaalka cudur sidaha coronavirus.
Waxaa uu intaa ku daraay in Iyadoo haatan la heli karo saddex tallaal oo ka dhan ah fayraska corona uu ku kalsoon yahay inay jiri doonaan tallaallo ku filan oo loogu talagalay dadka waaweyn oo ku nool dalka Mareykanka dhammaadka bisha Shanaad ee sanadkan.
Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa sidoo kale sheegay inay ku adkaatay inuu gaaro himiladiisa ahayd in maamulkiisa u soo saaro 100 milyan oo tallaalka COVID-19 ah 100-kiisii maalmood ee xafiiska.
Waxaa u ku boorriyay shacabka dalkaasi inay feejignaan muujiyaan islamarkaana ay xirtaan maskarada afka iyo sanka lagu xirto iyo sidoo kale inay ku dadaalaan kala fogaanshaha bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here