Khasaaraha ka dhashay weerarkii Ruushka ee Donetsk oo kordhay

0
404

Waxaa sare u sii kacay khasaaraha nafeed ee ka dhashay weerar ay ciidamada Ruushka oo gantaallo adeegsanaya ay ku bartilmaameedsadeen dhisme la deggan yahay oo ka kooban shan dabaq.
Ugu yaraan 15 qof ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inay falkaasi ku nafwaayeen.
Howlaha samatabixinta ayaa ka socdo magaalada bari ee Chasiv Yar oo ay dhacdadan saameysay.
Waxaa kororka dhimashada xaqiijiyay guddoomiyaha gobolka Donetsk Pavlo Kyrylenko.
Sida laga soo xigtay waaxda ka falcelisa xaaladaha degdegga ah ,5 qof ayaa iyagoo nool laga soo saaray burburka hoostiisa halka 24 kale ay weli dhismaha burburay ku hoos xanniban yihiin.