DAAWO:Ra’iisul wasaarihii hore ee Japan oo uu geeriyooday dhaawici ka soo gaaray toogashadii loogu gaystay goob fagaare ah

0
473

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Japan Shinzo Abe ayaa lagu soo warramayaa inuu u geeriyooday dhaawici soo gaaray, sida ay ku warrantay warbaahinta NHK ee laga leeyahay wadankaasi.
Waxaa uu ra’iisul wasaaraha hore ee Japan u dhintay dhaawac ka soo gaaray toogasho loo gaystay, xilli uu khudbad ka jeedinayay goob fagaare ah..
NHK ayaa sheegtay in Shinzo Abe uu geeriyooday saacado ka dib markii 67-jirkan laga toogtay xabadka iyo qoorta.
Warbaahinta NHK ayaa soo xigatay ilo ka tirsan xisbiga talada haya ee Liberal Democratic Party (LDP).
Abe ayaa la toogtay abaare 11:30 barqanimo maanta ee saacadda maxalliga ee dalka Japan.
Abe ayaa soo noqday ra’iisul wasaaraha Japan intii u dhexeysay sanadihii 2012-kii ilaa 2020-kii taas oo ka dhigeysa ra’iisul wasaarihii ugu wakhtiga dheeraa wadankaasi.