Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska oo la filayo inuu is casilo

0
396

Warbaahinta maxalliga ee Britain ayaa ku warramaysa in ra’iisul wasaare Boris Johnson uu oggolaaday inuu xafiiska banneeyo sidaas awgeedna la filayo inuu dhawaan is casilo.
Galinka dambe ee maanta ayaa la sugaya inuu bayaan soo saaro.
Wararka qaar ayaa sheegaya inuu iska casili doono xilka hoggaamiyaha xisbiga Conservative party hasa ahaate uu ra’iisul wasaare sii ahaan doono.
Warbaahinta ITV ayaa ku warramaysa in Boris Johnson go’aanka is casilaadda ee uu damacsan yahay uu la wadaagay boqoradda Ingiriiska Queen Elizabeth .
Boris ayaa wajahaya mucaaradnimo ka dhex jirta xisbigiisa oo salka ku haysa fadeexado kala duwan oo hareeyay.
Madaxa xisbiga mucaaradka ee Labour ee Ingiriiska Keir Starmer ayaa war lagu farxo ku tilmaamay in Boris Johnson uu xafiiska banneeynaya.
Waxaa uu sheegay inay ahayd in tallaabadan uu mar hore qaado maadaama sida uu hadalka u dhigay uunan markii hore u qalmin inuu xafiis bulsho qabto.
Waxaa uu ku eedeynaya in hoggaanka xukuumadeed ee Boris Johnshon uu leeyahay mas’uuliyadda waxyaabo aan run ahayn, fadeexado iyo khiyaanooyin heer sarreya ah.