Wasiirka caafimaadka ee dalka Ecuador oo la magacaabay

0
657

Dowladda dalka Ecuador ayaa soo magacawday wasiirka cusub ee caafimaadka ka dib markii mas’uulkii xilkan hayay uu is casilay.
Tallaabada uu wasiirkii hore ee caafimaadka ee wadankaas uu xafiiska ku baneeyay ayaa timid ka dib markii ay soo baxday fadeexad la xiriirta isticmaalka talaalka ka dhanka ah cudurka COVID-19.
Madaxweynaha dalka Ecuador Lenin Moreno ayaa shaaciyay in Rodolfo Farfan uu beddelaya Juan Carlos Zevallos oo is casilay 26-kii bishii hore.
Wadanka Ecuador ayaa ilaa iyo hadda laga diiwaangeliyay in ka badan 286,000 oo ah xaaladaha cudurka COVID-19 halka ugu yaraan 15,800 qof ay u dhinteen sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins oo si dhow ula socoto kiisaska caabuqa corona.