Waxaa waddooyinka caasimadda dalka Suudaan ee Khartoum iyo deegaanada u dhow maanta isugu soo baxay boqolaal qof oo dibadbaxayaal ah.
Goobjoogayaal ayaa laga soo xigtay in mudaharaadyada ay socdaan maalinkii afaraad oo xiriir ah.
Dadka ayaa dalbanaya in la soo afjaro xukunka militari ee dalkaasi ka jiro tan iyo afgembigii bishii Tobnaad ee sanadkii hore.
Howlgallo falcelin ah oo ay ciidamada ammaanka ee Suudaan sameyeen Khamiistii ayaa waxaa ku dhintay 9 qof .
Dibadbaxayaasha ayaa dhagaxaan waawayn ku xiraya waddooyinka iyagoo sidoo kale taayarro ku gubaya halka ciidamada ammaanka ay ku kala eryayaan sunta dadka ka ilmeysiisa.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in tani iyo afgemigii Suudaan ee sanadkii 2021-kii in dibadbaxyada rabshadeysan ee dhacaya ay ku dhinteen 114 qof.