5 qof oo ku dhimatay 4 dhulgariir oo ka dhacay koonfurta dalka Iiraan

0
426

Waxaa lagu soo warramayaa in 5 qof ay dhinteen halka 40 kale ay dhaawacyo soo gaareen, ka dib dhulgariir ku dhuftay koonfurta dalka Iiraan.
Afar dhulgariir oo kala duwan ayaa laga soo tabiyay meel u dhow magaalada dekedda leh ee Bandar-e Lengeh ee wadanka Iiraan.
Mid ka mid ah dhulgariirrada ayaa cabbirkiisu ahaa 6.1, sida laga soo xigtay laanta la socodka hab dhismeedka dhulka ee Mareykanka ee lagu magacaabo USGS.
12 tuulo oo ka tirsan gobolka Hormozgan ee koonfurta dalka Iiraan ayaa saameyn ka soo gaartay dhulgariiradan sida ay qortay wakaaladda wararka ee Fars ee Iiraan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in 5 tuulo ay koronto la’aan soo wajahday.
Bayaan ay soo saartay hay’adda bisha Cas ee Iiraan ayay ku sheegtay, in hadda 75 saraakiisha samatabbixinta iyo kooxaha gurmadka ay ku sugan yihiin aagagga uu dhulgariirku saameeyay iyagoo isticmaalaya 12 baabuur oo kuwa shaqada ah.
Dhulgariirkan ku dhuftay dalka Iiraan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dalalka kala ah Imaaraadka Carabta, Bahrain, Saudi Arabia, Oman, Pakistan, Qatar iyo Afghanistan, sida ay sheegtay laanta la socodka hab dhismeedka dhulka ee Mareykanka ee USGS.
Bishii Nofernbar ee sanadkii hore ayay ahayd markii ugu yaraan hal qof uu dhintay ka dib markii 2 dhulgariir oo ay u dhexeysay hal daqiiqo ay ku dhufteen Koonfurta dalka Iiraan.