Netanyahu oo eedeyn uu jeediyaay Iiraan

0
747

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa dowladda Iiraan ku eedeeyay qarax maalinkii khamiista ee isbuucii hore lala eegtay markab ay Israa’iil leedahay oo marayay gacanka Cummaan.
Sarkaal u dhashay dalka Mareykanka ayaa sheegay in markaabka oo ahaa nooca xamuulka qaada uu dulooshamay.
Dhanka kale sarkaaal u hadlay Isra’iil ayaa sheegay in nooca hubka ee loo adeegsaday markabka uu ahaa miinoyin.
Benjamin Netanyahu ayaa arriinka ku tilmamay mid cad oo ay dowladda Iiraan fulisay isagoo intaa ku daray in xukuumadda Tehraan ay tahay cadowga ugu weyn ee Israa’iil uuna go’aankiisu yahay in la iska celiyo dowladiisana ku duuli doonto si guud gobolka.
Dhankeeda dowladda Iiraan ayaa beenisay in ay ku lug lahayd falkaas.
Afhayeenka wasaradda arrimaha dibadda ee Iiraan Saciid Khatibzadeh ayaa shir jara’aiid ka sheegay in amniga labada dhinac uu Iiraan muhiim u yahay.
Israa’iil ayaan xaqiijin in ay fulineyso weeraro dhanka cirka ah balse waxay horay u sheegtey in ay bilaabeyso talaabooyin militari oo isdaba joog ah oo ka dhan Iiraan.