Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Meydadka 22 qof oo laga helay goob lagu caweeyo oo ku taalla...

Meydadka 22 qof oo laga helay goob lagu caweeyo oo ku taalla dalka Koonfur Afrika

Ugu yaraan 22 qof ayaa meydadkooda aroornimadii hore ee saaka laga helay goob lagu caweeyo oo ku taalla magaalada East London ee koonfurta dalka Koonfur Afrika.
Sarkaal u hadlay booliska oo lagu magacaabo Tembinkosi Kinana ayaa sheegay in xubno ka tirsan dadweynaha ay laamaha ammaanka ku soo wargeliyeen arrintan.
Waxaa uu sheegay in dhacdadan laga soo tabiyay beerta Scenery, oo qiyaastii 3 kiilomitiri u jirta bartamaha magaalada East London.
Sarkaalka oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa xusay in haatan ay socdaan baaritaanno lagu ogaanayo waxa sababay ano jir.
Unathi Binqose, oo ah sarkaal ka tirsan maamulka gobolka Eastern Cape ee wadanka Koonfur Afrika, oo goobta ka hadlay ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in isbuurasho ay sababtay dhimashada dhallinyaradan.
Mas’uulkan oo uu warramay wakaaladda wararka ee AFP ayaa intaasi ku daray inay adag tahay in la rumaysto in dhallinyarada ku sugnaa goobta dhacdadan laga soo tabiyay ay isbuurteen, maadaama aysan jirin dhaawacyo ka muuqday dadkii geeriyooday.
Wargeys maxalli ah oo laga leeyahay dalka Koonfur Afrika ayaa dhanka kale laga soo xigtay in meydadka ay ku daadsanaayeen miisaska, kuraasta iyo dhulka, islamarkaana aynan ka muuqaanin dhaawacyo.
Madaama ay isa soo tarayaan wararka la xiriira dhacdadan, wixii ka soo kordho dib ayaad kala socon doontan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments