Maxkamadda ayaa damaanad lacageed oo dhan 300,000 ku siidaysay nin lagu magacaabo Ken Lugwili oo lala xiriirinaya ka ganacsiga hubka.
Dhawaan ayay ahayd markii howlgal ay ciidamada ammaanka ka sameeyeen guri ku yaalla xaafadda Kilimani ee magaalada Nairobi ay sheegeen inay ku soo qabteen 22 hub ah iyo 565 xirmo oo rasaas ah.
Saraakiisha dacwad oogidda ayaa dalbanayay inay maxkamadda u oggolaato in tuhmanaha xabsiga lagu sii hayo shan cisho si baaritaannada loo soo gabagabeeyo.
Hasa ahaate garsoore Diana Mochache ayaa maanta sheegtay in waaxda dacwad oogidda aynan caddeyn sida eedeysanaha oo dammaanad lagu daayo ay u faragelin karto baaritaannada ka dhanka ah.
Waxay go’aamisay in eedeysanaha marka loo baahdo laga doonayo inuu ka soo hormuuqdo saraakiisha baaritaanka sameynaya.
Dacwaddan ayay mar kale maxkamaddu soo qaadi doontaa toddobada bisha Toddobaad ee sanadkan.