Cabdiraxmaan Cabdishakuur “Waa in hoos loo dhigaa dabaal degga maalmaha xurriyadda sababtoo ah gob ma ahan qof ay dadkiisii gaajo u dhimanayaan”

0
410

Ergayga madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha abaaraha, xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa soo jeediyay in hoos loo dhigo xuska maalmaha xurriyadda dalka, isagoo sheegay wadanka inuu ku jiro xaalad aan mudnayn dabaal deg.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka qayb galayay barnaamij dood wadaag ah, ayaa sheegay in loo baahan yahay in indhaha bulshada lagu jeediyo arrimaha abaaraha, halkii lagu mashquuli lahaa xuska xurriyadda.
Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in sida ugu fudud loo sameeyo xuska maalmaha xurriyadda Soomaaliya, haddiiba aan la iska dhaafin, sababtoo ah wuxuu xusay in Soomaaliya oo dadkeedu gaajaysan yihiin in aynan u dabaal degi karin wax la yiraahdo xurriyadda.
“Waa in hoos loo dhigaa dabaal degga maalmaha xurriyadda sababtoo ah gob ma ahan qof ay dadkiisii gaajo u dhimanayaan,” ayuu yiri ergayga abaaraha ee madaxweynaha Soomaaliya.
Sannad walba dowladda Soomaaliya ayaa dhaqaale badan ku bixisa xuska sanad guurooyinka maalmaha xurriyadda oo kala ah, 26 Juun oo ah xornimadii gobollada waqooyi iyo kowda Luulyo, xornimada gobollada koonfureed iyo israacii labada gobol.
Haatan, waxaa magaalada Muqdisho ka socda qaban qaabada xaflado ballaaran oo loogu diyaar garoobayo xuska maalmahaas, islamarkaana lama oga in madaxweynuhu qaadan doono talada ergayga abaaraha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here