Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Hoggaamiyaasha muslimiinta oo taageeray Raila iyo Karua

DHAGEYSO:Hoggaamiyaasha muslimiinta oo taageeray Raila iyo Karua

Qaar ka mid ah hoggaamiyaasha muslimiinta ee dalka oo isugu jiro siyaasiyiin, aqoonyahaanno iyo culimo ayaa taageero u muujiyay musharraxa madaxweyne ee Azimio Raila Odinga iyo ku xigeenkiisa Martha Karua.
Arrintan ayaa timid ka dib markii ay galinkii dambe ee shalay ka qayb galeen shir ay Karua ku qabatay magaalada Nairobi.
Madaxda ayaa sheegay inay ka mideysan yihiin taageerada ay u hayaan Karua iyo Raila.
Waxay sheegeen inay aad ugu riyaaqeen tallaabadii uu Raila Odinga ku xigeenkiisa ugu soo magacaabay Martha Karua oo ay ku tilmaameen haweeney si wayn ugu ololeysa xuquuqul aadanaha.

Martha Karua ayaa dhankeeda ballanqaaday in haddii Azimio ay la wareegto hoggaanka dalka ay tixgelin doonaan danaha muslimiinta oo ay ka mid tahay xurriyadda dhanka cibaadada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments