DHAGEYSO:Wasiirka arrimaha gudaha oo amray in la soo xiro shakhsiyaadka uurka u yeela gabdhaha da’yarta ee Trans Nzoia

0
522

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiang’i ayaa amar ku bixiyay in si deg deg ah gacanta lagu soo dhigo shakhsiyaadka uurka u yeela gabdhaha yaryar ee ismaamulka Trans Nzoia.
Dr. Matiang’i ayaa saraakiisha ammaanka ka dalbaday in ay bilaabaan baaritaano arrinkan ku aaddan isla markaana ay sharciga hor keenaan dambiilayaasha falkan ka dambeeyo.
Waxaa uu carabka ku dhuftay in ismaamulkaasi laga diiwaangaliyay kiisaska ugu badan ee gabdhaha da’yarta ee uurka qaaday oo ay tiradoodu tahay 10,000 oo gabdhood.
Wasiirka ayaa dhanka kale mamnuucay xafladaha baroordiiqa ee la qabto habeenkii marka uu qof dhinto ee loo yaqaano Disco Matanga ee dowlad deegaankaasi.
Waxaa uu sidoo kale faray guddoomiye xaafadeedyada iyo ku xigeenadooda in ay si adag uu fuliyaan u hoggaansanka amarkan.

Wasiir Matiang’i ayaa amarkan soo saaray xilli uu socdaal ku maray ismaamulka Trans Nzoia si uu u kormeero amniga iyo mashaariicda horumarineed ee dowlad deegaankaasi.
Waxaa safarkiisa ku wehelinayay dhigiisa wasaaradda dowlad wadaajinta ee dalka Mr. Eugene Wamalwa