Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka SAWIRRO:Ku dhawaad 1,000 qof oo ku dhimatay dhulgariir xooggan oo ku dhuftay...

SAWIRRO:Ku dhawaad 1,000 qof oo ku dhimatay dhulgariir xooggan oo ku dhuftay wadanka Afghanistan

Waxaa sare u sii kacay khasaaraha nafeed ee ka dhashay dhulgariirkii ku dhuftay dalka Afghanistan.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay dhimashada in ka badan 920 qof halka ugu yaraan 600 kalena ay dhaawacmeen.
Tirada sii korortay waxaa warbaabinta u xaqiijiyay wasiir ku xigeenka wasaaradda maareynta musiibooyinka ee Afghanistan Sharafuddin Muslim oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Kabul.
Dhibaatadan oo cabbirkeedu lagu qiyaasay 6.1 ayaa saameysay meelaha fog ee Koonfurta Bari ee wadankaasi.
Sawirro laga soo qaaday goobaha uu dhulgariirka sameeyay ayaa muujinya guryo badan oo burburay.
Dhulgariirka ayaa ku dhuftay meel 44 kiilomitir u jirta magaalada Khost oo ku taalla xuduudda dalka Afghanistan uu la wadaago wadanka Pakistan.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda Pakistan oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dhulgariirkan .
Tirada dhimashada ayaa laga cabsi qabaa inay sii kororto maadaama samatabixiyaal ay eegayaan dhismooyinka burburay.
Sanadkii 2015, ayay ahayd markii in ka badan 380 qof ay ku dhinteen dhulgariir saameeyay waddamada dariska ee Pakistan iyo Afghanistan .
2002-kii, dhul gariir uu cabbirkiisu ahaa 6.1 oo waqooyiga Afghanistan ka dhacay ayaa waxaa ku dhintay 1,000 qof.
Waxaa ka sii horreyay mid la soo tabiyay sanadkii 1998, oo saameeyay Waqooyiga Bari ee dalkaasi oo galaaftay nolosha ugu yaraan 4,500 ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments