Ducaale oo gudbiyay hindise sharciyeed ka dhan ah muuqaallada anshax xumada

0
590

Xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Garissa Township Aadan Barre Ducaale ayaa soo saaray hindise sharciyeed uu doonayo in baarlamaanka uu ansaxiyo si xal loogu helo faafinta muuqaallada anshaxa ka baxsan.
Waxaa uu soo jeediyay in qofkii lagu caddeeyo inuu faafiyay muuqaal ama sawirrada aan asturnayn in la xiro 25 sano ama laga qaado ganaax lacageed oo dhan 20 milyan oo shilin.
Hindisaha ayaa waxaa qayb ka ah in isbeddel lagu sameeyo sharciga dembiyada loo adeegsado intarneetka iyo agabka kombiyuuyarrada.
Qoraalka waxaa ku xusan in xildhibaanka uu ku talinaya in la mamnuuco in qofku uu isagoo og daabaco muuqaal ama sawir anshax xumo laga dheehan karo , uu soo saaro, dejiyo , sii faafiyo , iibiyo ama si ay ahaataba uu u soo bandhigo.
Sidoo kale hindise sharciyeedkan waxaa ku cad in la mamnuuco in qalabka kala duwan ee elektoroniga loo adeegsado in lagu horumariyo argagixisada iyo howlaha diimeed ee mayal adeeyga ku saleysan.
Ducaale ayaa soo jeedinaya in qofkii daabaco ama sii faafiyay xog ku saabsan argagixisada in la saaro ganaax lacageed oo dhan 5 milyan ii shilin ama 10 sano la xiro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here