Midowga Yurub oo Afrika siinaya 600 oo milyan

0
448

Midowga Yurub ayaa maanta ballanqaaday in lacag dheeraad oo dhan 600 oo milyan oo Euros ku taageeri doono waddamada dhaqaale ahaan liita ee la daalla dhacaya cunno yarida .
150 milyan oo deeqdan ka mid ah waxaa loo adeegsanaya gurmadka baniaadannimo ee Afrika Caribbean iyo dalalka Pacific-ga.
350 milyan oo Euros ayaa loogu talagalay sare u qaadidda soo saaridda waarta ee cunnada ee muddada fog ah.
Madaxa guddiga Midowga Yurub Ursula von der Leyen ayaa sheegtay in duullaanka militari ee Ruushka uunan saameyn keliya shacabka Ukraine balse si guud caalamka.