Golaha wasiirrada ee dalka Sri Lanka ayaa meel mariyay isbeddelo dastuuri ah oo looga gol-leeyahay in lagu dhimo awoodaha madaxweynaha wadankaasi.
Tani ayaa loo arkaa tallaabo lagu qancinaya dibadbaxayaasha weli dalbanaya inuu xafiiska baneeyo madaxweyne Gotabaya Rajapaksa oo ay ku eedeynayaan inuusan wax ka qaban dhaqaale xumada Sri Lanka ka jirta.
Dinouk Colombage oo ra’iisul wasaaraha dalkaasi Ranil Wickremesinghe kala taliya dhanka warbaahinta ayaa Al Jazeera u sheegay in qorshahan shalay loo gudbiyay golaha wasiirrada ugu dambeyna uu ansaxiyay.
Waxa sidoo kale arrintan qaab qoraal oo Twitter-ka ah ku xaqiijiyay wasiirka dalxiiska ee Sri Lanka Harin Fernando.
Waxaa uu intaaasi ku daray in isbeddelka oo lagu sheegay kii 21-aad loo sii gudbinaya baarlamaanka si uu u ansaxiyo.
Isbeddelkan cusub ayaa la rumeysan yahay inuu dib u soo celin doono madax bannaanida guddiyada dastuuriga ee dalkaasi.