DHAGEYSO:Nooliga gaadiidka dadweynaha oo la kordhinaya

0
463

Mulkiilayaasha gaadiidka dadweynaha si gaar ah mataatuulayda ayaa sheegay in laga billaabo saqdi dhexe ee xalay ay 20 ilaa iyo 50 shilin ku kordhin doonaan qiimaha lagu raaco baabuurta.
Tani ayay u aaneeyeen qiimaha kordhay ee shidaalka wadanka.
Jamal Ibraahim oo ka mid ah mas’uuliyiinta ururka gaadiidleyda dalka ayaa sheegay inaysan u furnayn waddo ay ugu sii shaqeyn karaan qiimihii hore ee rakaabka laga qaadayay.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii maamulka maareeya adeegyada tamarta iyo batroolka dalka ee (EPRA) uu 9 shilin ku kordhiyay qiimaha halkii liitar ee shidaalka.
Arrintan ayaa saameyn doonto rakaabka raaca baabuurta dadweynaha guud ahaan wadanka iyadoo ay jiraan warar sheegaya in la kordhiyay qiimaha nooliga ee baabuurta u kala goosho ismaamullada Nairobi iyo Marsabit.