Ugu yaraan 15 qof ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen ka dib markii doon ay saarnayeen ay ku qalibmatay xeebta dhanka dalka Libya.
Waa dhacdadii labaad wax ka yar labo isbuuc oo ay ku nafwaayeen muhaajiriin doonayay in ay galaan wadamada qaaradda Yurub.
Afhayeen u hadashay hay’adda caalamiga ee socdaalka ee IOM oo lagu magacaabo Safa Msehli ayaa sheegtay in doonta ay sidday ugu yaraan 110 qof oo rakaab ah.
Waxay intaa ku dartay in ciidamada ilaalada ee xeebaha Libya ay soo
Hay’adda IOM, ayaa laga soo xigtay in tan iyo sanadkii 2014-kii, ugu yaraan 20,000 oo qof ay ku dhinteen badda Mediterranean-ka.