Booliska ismaamulka Elgeyo Marakwet ee gobolka Rift Valley ayaa xabsiga dhigay labo tuhmanayaal oo lagu helay hub sharci darro ah .
Sida laga soo xigtay waaxda qaran ee adeegga booliska ,tani waxay daba socotaa howlgal laga sameeyay tuulada Kaben, qaybta Tot, ee deegaan baarlamaaneedka bariga Marakwet.
Eedeysanayaasha oo kala ah Abraham Kiptum iyo Brandon Kilimo, ayaa loo qaaday saldhigga booliska ee Tot, iyadoo la sugayo in tallaabo laga qaado.
Booliska waxay sheegeen inay heleen 76 xabbo oo rasaas ah, 7 qori oo ah nooca AK-47 , afar qori oo ah nooca loo yaqaano G-3-ga, iyo waxyaabo kale.
Maamulka ammaanka ee dowlad deegaanka Elgeyo Marakwet ayaa ku boorriyay bulshada in ay feejignaadaan oo ayna hay’adaha ammaanka xog u soo gudbiyaan si loo soo celiyo nabadda deegaanadaasi.
Ismaamulkan ayaa ka mid ah saddex dowlad deegaan oo ay dowladdu ku soo rogtay xaalad bandow ah si xal loogu helo dhibaatooyin amni darro oo halkaasi ku soo noqnoqday.
ARREST AND RECOVERY OF ILLEGAL WEAPONS.
On sunday 19th June, 2022 National Police Service officers conducted an intelligence-led operation in the home of Abraham Kiptum located in Kaben Village, Kaben Location, Tot Division, Marakwet East Sub-County. pic.twitter.com/LMX8xUk93g
— National Police Service-Kenya (@NPSOfficial_KE) June 20, 2022