Boqortooyada Ingiriiska iyo gaashaanbuurta NATO ayaa sheegay inay suurtagal tahay in duullaanka militari ee ay dowladda Ruushka ka wado gudaha dalka Ukraine uu muddo dheer qaato ka hor inta aan la soo afjarin.
Waxaa digniintan soo saaray ra’iisul wasaaraha Britain Boris Johnson iyo xoghayaha guud ee NATO ,Jens Stoltenberg.
Mas’uuliyiintan ayaa sheegay in reer galbeedka iyo saaxiibadooda laga doonayo inay isku diyaariyaan colaad muddo badan sii jiri karto.
Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo ciidamada xukuumadda Moscow ay sii xoojiyeen weerarrada ay ka fulinayaan bariga Ukraine.