In ka badan 50 qof oo ku dhimatay daadadka Bangladesh iyo India

0
472

Ugu yaraan 59 ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dalalka Bangladesh iyo India oo ay ku dhufteen fatahaado iyo duufaannada xooggan ee Monsoon.
Wararka ayaa intaasi ku daraya inay xaalad go’doon ah ku jiraan malaayiin qof oo kale.
Khuburrada waddamadan ayaa dhibaatooyinka dhacay u aaneeyay isbeddel dhanka cimillada ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dugsiyada qaar loo beddelay goobo loogu gurmado dadka ay arrimahan saameeyeen.