Dacwad oo Ekuru Aukot ka gudbiyay Raila oo la laalay

0
464

Dacwad uu gudbiyay hoggaamiyaha xisbiga Thirdway Alliance Dr. Ekuru Aukot oo uu ku doonayay in musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya ,Raila Odinga laga hor istaago u tartamidda hoggaanka ugu sarreeya wadanka ayaa meesha laga saaray.
Waxaa go’aankan soo saaray sii hayaha xilka agaasimaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo howlaha doorashooyinka Moses Sunkuli oo matalayay guddoomiyaha guddiga IEBC Wafula Chebukati.
Mas’uulkan ayaa sheegay in aan loo bandhigin caddeyn ku aaddan in Raila uu galay dambi doorasho oo lagu xannibi karo.
Waxaa uu Aukot ku doodayay in Raila uu weli yahay sarkaal dowladeed maadaama uu ra’iisul wasaare soo noqday oo uu qaadanaya lacagaha howlgabnimada sidaas awgeedna aan u qalmin inuu tartanka madaxtinnimo ka qayb qaato.
Waxaa doodda madaxa Thirdway Alliance qayb ka ahayd in Mr. Odinga lagu maalgeliyo lacagaha dadweynaha.
Hasa ahaate waxaa taasi gaashaanka u daruuray Moses Sunkuli oo xusay in arrintan aan la tixgelin xilligii diiwaangelinta iyo xaqiijinta musharraxiinta.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Mr. Odinga uu xubin rasmi ah ka yahay isbeheysiga Azimio.